DEG DEG:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Degmada Afgooye

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta qarax uu ka dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi.

Inta la ogyahay ayaa qaraxan waxaa ku dhaawacantay 3 qof, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu qaraxa ka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Maamulka demada Afgooye ayaanan wali ka hadlin qaraxan maanta ka dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi.

Suuqa xoolaha ee degmada Afgooye ayaa horey sidaan oo kale waxaa uga dhacay qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.