DABRAAC AAN XISHOON.W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax

0

Maanta taarhiikhdu waa 03/04/2016.dhawr maalin ka hor baan akhriyey ama aan dhegaystay qoraal maallqal iyo muuqaal ahaa oo uu kasoo Muuqday Mahamuud Siyad aden,waxay ahayd arin carun iyo dhiig leh oo aad looga yaqyaqsado.Waxaa laga joogaa dhawr usbuuc markii uu heshiis asagu aad uga dhexmuuqday ay beesha sade laga gashay Maamulka Jubbaland.kaasi oo ka dhacay magalada Kismaanyo,annigu ma joogin beeshana ka mid baan ahay haddana aad baan u taageeray heshiiskaas.

Heshiiskii Beesha Sade ku gashay Neyroobi ee dhexmaray ayada iyo dawlada Keenya waxuu iigu muuqday mid lagu xoojinaayo kii Kismaanyo ka dhacay ama aan si kale u dhahee baal cusub u duray Siyaasadda Jubbaland kaas oo ay Garwadeenka ka ahaayeen Maxamuud Siyid Aaden iyo rag kale, waana cambaareeyey asaga oo sabab uga dhigay haddii heshiis lagalaayo in aan anigu joogo ayey ahayd.Waa yaab Beesha Sade sow kama mug weyna qol gudihi,mise wuxuu ula jeeday heshiis aana ogayn beesha Sade ma qaadan karto? Beesha Yaa Hogaan SIyaadeed uga dhigay Maxamuud Sayid iyo in la halmaasha ?? Jawaabta waxaan u daayey beesha.

Markii aan intaan akhriyay ayaan dib u milicsaday Kumuu yahay Maxamuud Sayid waxaana isoo baxay Huumaag dhab ah ee Bal ila arag ;-

1-2000 ayey ahayd markii uu yimid Baardheere oo aan markaas ku sugnaa ,wuxuu la shiray waxgaradkii beesha oo aan ka mid ahaa,wuxuuna u soo jeediyey in Jeneral Axmed Warsame iyo Barre Aden Shire oo markaas is dhiibaan,isuna dhiibaan General moorgan oo uu hoos jooge u ahaa.aad baa loola yaabay ,looma jawaabin halkii uu fadhiyey baa looga dareeray,laba usbuuc ka dib ciidamo uu hogaaminayey generaalkii uu hoos joogtaha u ahaa asaga oo horkacaaya buu Baardheere ku soo weeraray jab xun ceeb baa karaacay.

2-Mar kale 2004 baan kula kulmay beledxaawo Sadaha ku noolaa Nawaaxiga Daawo ayuu colaad dhexdhigay mudo badan baa waxaa halkaas dhacaayey dagaalo lagu hoobtay naf iyo maal.Bishii juun baan ka soo baxay oo bilow ah maalin ka hore markii kooxdiisii oo magalada dabjoog ka ahayd werar ku soo qaaday aysan ku guuleysan laakiin masiibo beeleed iyo dhimasho boqol wiil ka dhacday.

3-waxaa xigtay in laga heshiiyey dhibaatadaas .Maxamuudna beeshu waxay ka dhigtay xildhibaan oo mudo ahaa wasiirna ku gaaray.

4-mar kale Maxamuud masiirka Beesha Sade wuxuu la aaday Koofur Galbeed,markii fikirkaasi gadmiwaayeyna way soo cayrisay.

5-Maxamuud wuxuu isku soo dhextuuray maamulkii Gobolka gedo oo maamulka Jubaland dhaliisanaa laakiin dhisaha jubalaand aan diidaney.Marar badan baa Maxamuud isku dayey in uu kaligi u duso hogaamiya jubalaand laakiin wuu gadmi waayey,taas oo ugu danbayn noqotay in uu beesha dhinac karaaco heshiis uu qayb ka ahaana beeshu la gasho Hogaamiyaha Jubalaand ,waxaana loo arkaayey guul dadka daneeya jubalaand.

Ugu danbayn dhawr maalin kama soo wareegin markii Heshiiskii uu kismaanyo ku galay mid kaabaya uu cambaareeyey kuna sababeeyey anigu ma joogin,waxaa ii soo baxay humaaga aan qormada cinwaanka uga dhigay ee ah dabraac aan xishoon.

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax
(O7572336192)