TOP NEWS:- Muqdisho oo looga dabaal dagay Maalinta Saxaafadda Xorta ah

0

Munaasabadani oo ahayd mid aad u ballaaran , islamarkaana loogu dabaal dagayay  xuska maalinta Saxaafadda Xorta ah ee adduunka , ayna ka soo qeyb galeen inta badan Saxafiyiinta ka howlgala Muqdisho , iyo kuwa ka yimid Gobollada dalka ayaa maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Sidoo  kale  Munaasabadaan ayaa ahayd mid lagu daah furayay shir weynaha Qaran ee Saxaafadda Soomaaliyeed ay ku dooraneyso hoggaanka Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Badbaadinta Saxaafadda Soomaaliyeed Ismaaciil Sheekh Khaliif oo madashaasi daaha ka rogay ayaa ku tilmaamay madashaan middi ugu ballaarneed ay isagu yimaadaan Saxaafadda Soomaaliyeed ayna doonayaan in ay hoggaan ay ku mideysan yihiin ku doortaan.

Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa dhanka kale ugu Hambalyeeyay dhammaan Saxaafadda Soomaaliyeed munaasabadda 3 May ee ku beegan maalinta Saxaafadda xorta ah.

Dhanka kale Qaar ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo kuwa Gobollada dalka Shirkaan maanta ka furmay Magaalada Muqdisho rajo wanaagsan ka muujiyay , waxayna isugu hambalyeeyeen maalinta Saxaafadda xorta ah ee Caalamka.

1993 ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u asteysay maanta oo kale in la maamuuso Saxaafadda Xorta ah ee Caalamka  ka howlgasha iyadoo sanadkaan si gaar ah hal ku dhig looga dhigay Munaaabadaha ka dhacay Soomaaliya iyo Caalamka in Wardoonayaasha loo fududeeyo goobaha ay warbixinada uga baahan yihiin.