Qeybo kamid ah gobolka Shabelaha Hoose waxaa xiligaan ka dilaacay cudurka Shuban biyoodka kaas oo sababay dhimashada dad farabadan halka qaar kale ay la ildaran yihiin sida warqaad ay ogaatay.
Gudoomiyaha Baraawe ee gobolka Sh/Hoose Xuseen Bare Maxamed Jeex ayaa sheegay in 10 Ruux ay u geeriyootay cudurkasi shuban-biyoodka oo ka dilaacay degmadaasi iminkana ay u jiifaan ilaa 40 ruux oo caruur u badan.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaas raaciyay in degmada ay leedahay goobo Caafimaad oo yar yar iminkana ay yihiin kuwo buuxsamay,wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha ka howlgal gobolka Sh/Hoose in ay gurmad la soo gaaraan.
HALKAAN KA DHAGEYSO