DAAWO MUUQAAL XASAASI AH:- Darawalkii xaday gaariga Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland oo si Layaab leh u hadlay

0

Darawalkii hore ee Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey ayaa markii ugu horayay ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la baxsado gaaariga uu wadi jiray.

Maxamed Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay inay ku katilfatay inuu dhaco gaari, sababo la xiriira mushaarkiisii oo uu sheegay inuusan helin 24-bilood “labo sano iyo labo bilood”, sidaasi darteed-na dhacdadan u sameeyay sidii uu u heli lahaa xaquuqdaasi.

Taliyaha Bolice-ka Puntland Cabdirasaaq Af-gaduud ayuu ku eedeeyay inuu ka been sheegay dhacdan sida ay u dhacday, taas badalkeedana gaariga la dhacay ku tilmaamay gaari Bolice, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Darawalkii hore ee Camay ayaa sheegay in gaarigani ka wareejiyeen odayaal dhaqameedka beeshiisa oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee Baarlamanka.

Maxamed ayaa xukuumada Puntland baaq u soo jeediyay.