MAQAAL: Cabdikariin Xuseen Guuleed Ma,ahan Xal Raadis Ee Waa Xukun Raadis Ku Saleysan Nin Jecleysi, Qabyaalad Iyo Sadbursi.

0

“Fashil mar uu xal keeni karo ma jiraa? haddii uu jiro se Galmudug ma tahey meeshii lagu tijaabin lahaa in qof horey ugu fashilmay habkii loo dhammaa uu hada xal keeno, anaka oo og dhul ahaan, deegaan ahaan iyo dad ahaanba in dadka gobolada dhexe degan ay yihiin laf dhabar heshiis iyo colaad middii la doono”

Waxaa shaki ku jirin dib u dhac badan oo maantay ka taagan dowladda dhexe ee ka arrimisa xaafado ka tirsan magaalada Mogadishu kuna wareegsan Villa Somalia maalintii, laakinse habeenkiina ku ururta Taangiyada Ugaandha ee yaala Villa Somalia in uu qeyb weyn ku lahaa Abdikariim Guleed fashilkaas ku yimid in la helo doorashooyin ku saleysan mabda iyo xikmad loogana gudbo qabiil,qabyaalad,eex, urur diimeed dan gaar ah u jihaadsan iyo sadbursi, marka maantey ma moodaa in uu keenay fashilkaas gobolada dhexe ee Somalia. Sababta ugu weyn ee uusan u rabin Abdikariim Gulled in shacabkaas Soomaliyeed heshiiyaan doortaan’na qof u qalma kana mira dhalinkara wax dadkaas walaalahaa isku keeni kara,mideyn kara, kana saari kara wixii horey iyo hadaba u dilooday kaa soo ah “dil ama aan ku dilo”

Shacabka gobolada dhexe degan waa ay soo jireen wax badan, waana sii jiri doonaan maantay iyo maalin aanan joogin dunida korkeed. Waana muhiim in ay ogaadaan in xoog ku daaban dano shaqsi aysan jirin cid meel ku gaari karta burbur mooyeeh,sidaas owgeed dadka degan gobolada dhexe waxaan ugu baaqi lahaa in aysan xal u arag Abdikariim Hussein Gulleed iyo shanta qof ee u ah Qarbaano danta ugu weyn oo ay ka lee yihiin deegaankaasna ayba tahey in uu galo jahwareer siyaasadeed,mid amni iyo mid dhaqaale intaba si dadku aysan u hilin waqti ayba ugu hadlaan masiirkooda mid deegaan iyo mid dhexe intaba.

Shacabka Soomaliyeed xiiso badan uma qabaan maamul qabiileysan horeyna in ay u soo arkeena waan hubaa…. Sidaas owgeed,haddii lagu sii adkeysto maamul lagu dulmiyo dad qaas ah, waan hubaah in aysan nagu cosbeyn arintaas waxa kiliya ee laga dhalney kan’na laga dhaxli doono in ay tahey burbur saameyn doona shaqsi kasta mid ku faraxsan maantay iyo mid diidan intaba.

Shacabka degan gobolada dhexe maamul iyo walaaltinimo mar ay maantay uga baahi badan yihiiin ma jirto, laakinse dadka ayaaa laga rabaa in aysan taageerin wixii aan mideyn doonin iyaga, filina maayo in Abdikariim iyo xertiisa ayba yihiin dadkii mideyn lahaa…

Aniga oo ku hadlaya afka aqoonyahanada iyo qurba joogta beesha Mareexaan waa ay naga go’an tahey in aynu aragno una dadaalno intii la doono ka mira dhalinta in la helo dadka gobolada dhexe dega oo ku mideysan mabda,is afgarad wata xushmad iyo isqadarin. Sidaas oo aynu wax u rabno,hadana uma aragno in ay suurta gali karto maantay. Sidaas daraadeed, waa muhiim in loo arko hogaanka Galmudug ee maantay jira in uusan marnaba xal raadis aheyn laakinse yahey xukun raadis ku saleysan nin jecleysi,qabiil,qabyaalad iyo sadbursi.

Wabilaahi Tawfiiq

Caam Caam