Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa shalay galinkii hore qalinka ku duugay heshiis gaar ah oo dhexmaray dawladda Puntland & Ninka ugu taajirsan dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya ee dhinaca Maalgashiga ku caanka ah, waxaana heshiiska oo aan wali faahfaahin rasmi ah laga bixin hordhac ahaan loogu sheegay in Maalqabeenka uu qeyb weyn ka qaadan doono dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.
Arrimaha sida gaarka ah loogu xusey Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee dawladda Puntland ayaa ah in la dhisi Doono Dekedda cusub ee deegaanka Garacad, Jid laami ah oo isku xiri doona Goldogob & Garacad, Madaar/Garoon Caalami ah oo laga dhisi doono magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Sadexdaas mashruucba waxay ahaayeen kuwa kamid ah balan qaadyadii Madaxweyne Gaas, waxaana si weyn hadda arrimahaas looga hadlayaa deegaanada Puntland, gaar ahaana gobalka Mudug.
Madaxweyne Gaas ayaa aad loogu amaanayaa saxiixida heshiiskan, waxaana lafilayaa in Maalqabeenkan Sacuudiga uu dadajiyo hirgalinta heshiiska sida lagu sheegay warka ka soo baxay Xaafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland.
In la helo Deked gobalka Mudug ah, Garoon diyaaradeed oo casri ah iyo Jidka laamiga ah oo la dhisaa waxay qeyb weyn ka qaadan doontaa Isku xirka dalalka deriska ah iyo ganacsiga Puntland.
Wado dheer oo laami ah ayaa hadda laga wadaa Wadaagsin & Goldogob, waxaana hadda muuqata in loo helay dhaqaale balaaran, kaas oo looga dhigi doono Laami toos ah.
Madaxweyne Gaas wuxuu horey u balan qaaday in 5-ta sanno ee uu joogo Xaafiiska Madaxweyne-nimada uu wax badan ka qaban doono arrimaha Kabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaana sidii loo xoojin lahaa in la helo Maalgalin caalami ah.