XOG:- Labada Musharax ee ugu Cad Cad Doorashada Dalka ka dhaceysa oo la ogaaday Dowlada Maalgelineysa

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay maalgelineyso mar kaliya laba musharax oo ka mida kuwa ugu cadacad ee ku loolami doona jagada madaxweynaha Soomaaliya 2016.

Imaaraadka Carabta oo si weyn ugu dhex milan arrimaha Soomaaliya, isla markaana xiriiro isla mida la leh maamulada dalka oo dhan iyo dowladda Federaalka ayaa hore taageero lacageed oo shaqsi ah u siisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, waxayna una balan qaaday inay bixin doonto kharashka ololaha madaxtinimada si dib loogu doorto doorashada 2016.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo shaac baxay in dowladda Imaaraadka Carabta ay dhinaca kale ka wadato madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo laba guri oo qasri ah laga dejiyay dalka Imaaraadka, halkaasoo labadiisa xaas ay degan yihiin, iyadoo maamuus heer sare ahna la siiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in Imaaraadka uu door bidayo inuu dib u soo laabto Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Arrintan oo shaki weyn gelisay Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ayay xaaladu ka sii dartay markii uu Sheekh Shariif dhowaan booqday dalka Sacuudiga, waxaana hadda la bixin waayay cidda sida rasmiga ah dowladda Imaaraadka Carabta u garab taagan tahay iyadoo labada musharax ay mid waliba taageereyso.