Galmudug Qabiil Baa Sameystay Ee Adiga Qabiilkee Tahay?

0

Sida aan la wada socono Maamulka Galmudug waxaa dhistay qabiil kamid ah beelaha Soomaalida, waa wax waadix ah murana uu ka taagneen, waxaana ugu badan saamigiisa ugu weyna leh qabiilkaas, sidaa awgeed waxaa isweeydiin mudan adiga waakan aad sacabo tumeysee Qabiilkeed tahay? ileen waa naqaan qabiilka dhistay lehna Galmudug’e.

Qofka nool ee damiirka leh maskaxdiisuna fiyoowdahay wax walbaa waad ka dhaadhicin kartaa, balse qofka Aadanaha hadduu waalan yahay ama hadduusan aqoon cida uu yahay ama qabiilka uu yahay kama dhaadhicin kartid waxba, balse waxaan oranayaa hala idiinku dhaarto inaa tihiin Mareexaan aadana dhisan Galmudug ahayna cida dhisatay.

Aqyaarey waa in aan fahanaa ama garanaa macnaha ma,ahan in qofka aadanaha uu si laab la kac ah wax walbaa isaga taageero ama uu ahaado GUULWADE, macnaha waxa uu ku jiraa in qofka uu kala saari karo waxa uu leeyahay iyo waxa uu lahayn.

Galmudug markii la asaasay macnaa loo aasaasay, dad wada dhashay isku fikir ah ayaana udubada u taagtay, ceebna ma,ahan in dadku wax dhisto balse dad waxa ay dhisteen iyo macnaha ay u dhisteenba iyaga ayay gaar u tahay waxa qaar yaroo Mareexaan ah u daba ruc leeyaan ama guryo iyo xaafado reero kale ay u taag taagnaadaan anigu ma garan karo nuxurka ku jira ama ay ka helayaan.

Nuxurkooda iyo Waxa ay leeyihiin waa Puntland ayaan ku xumeynaynaa, war Puntland waxbay sameysatay ama dhisatay’e ee wax adiga aad leedahay sameyso, intaad nin kale xaafadiis iyo maamulkiis aad durbaanka u tumayso, mida kale Puntland waa halkaad kasoo askuntay, awoowgaa iyo ayeeydaana iyo ab iyo isirkaaba ku duugan yihiin, waana dhulkaaga sharafta lahaa, Majeerteena kaama xigo kuumana diidi karo ee Yaa Ahbal halaguugu dhaarto inaad tahay dhaliyo ahaan DAAROOD, nidaamka dalka wax lagu qaybsanayanna uu yahay 4.5.

Waxaan maqli jiray Soomaalida oo dhahda Nin waalan iyo Doqonba ma garntaan cida ay yihiin, waloow aniga aan qabo Ninka waalan iyo Doqonka jooga Mudug iyo Galguduud in ay gartaan halkeey ka xigaan reerahooda, waxaan la yaabanahayse qofka isagoo jooga dalalka horumaray ee cilmiga maadiga iyo diinigaba laga barto, xadaaraduna ay ku baahsan tahay, haddana aan garanayn cida uu yahay ama cidiisa halka ay ka xigto jiho ahaan.

Qoraalkan uguma talagalin inaan badiyo balse nuxurkiisa waa cudurada intooda badan dawo waa ay leeyihiin, marka laga reebo kuwo waaweyn ee dilaaga ah sida AIDS, iyo Cancer-ka balse waxaa soo raaca sidaan isleeyahay Doqon-nimada oo iyaduna dawo malahan aan ka ahayn in qofka doqonka ahi uu u dhinto mooyee.

Gabagabadi Walaahi baan ku dhaartayee kursi iyo saldan inaan u deeyneyn Majeerteen waana kula dagaalamayaa, Majeerteen waan isdileynaa, barqo cad waan isboobaynaa, waana isriix riixeynaa, kursigaana isku qabsanaysanaynaa, waxaas oo dhan waa qayb kamid ah baratanka nolosha, balse wada dhalashadu waa lama taabtaan, cid walbana wiilkaa Majeerteen baa kaa xiga, sababtoo ah dhaliyo iyo inaad tihiin Walaalo iskuma haysataane dhal dhalaalkaas yaree nolosha ayaa isku haysataan. WAKE UP JAALLE oo wax fahan.

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg