Somaliland ayaa maanta dib u bilowday howlihii diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo la hakiyay bishii hore, kadib markii qeybo ka tirsan Somaliland ay abaarro daran ku dhufteen.
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa kulanka dib loogu bilaabayay diiwaan gelinta wuxuu ka sheegay in doorashada Somaliland aanay ka dib dhici doonin wakhtigii loogu talagalay.
Munaasabadda lagu daah furayey dib u bilaabidda diiwaangelinta doorashada Somaliland ayaa waxaa ka qeyb galay guddiga doorashada, xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.
HALKAAN KA DHAGEYSO