Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga oo booqday Dhoobleey

0

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa booqday deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose , iyagoona kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha iyo Ciidamada halkaas ku sugan.

Booqashadaan oo uu horkacayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa u jeedkiisu uu yahay sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masuuliyiintaa iyo Saraakiisha ku wehlisa booqashadooda ayaa markii ay gaareen Magaalada Dhoobleey waxaa halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha ammaanka Dhoobleey ee maamulka Jubbaland ee uu hormuudka u yahay Col Heybe, kuwaas oo geeyay wafdigaasi dhammaan xeryaha Ciidan ee Dhoobleey.

Soomaaliya ayaa iminka ku guda jirta isku day dib loogu soo nooleynayo  ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku bur buray dagaaladii Sokeeye.