WAR DEG DEG:- Dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay Muqdisho oo gacanta lagu so dhigay

0

Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka NISA iyo kuwa Amisom ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay.

Howlgalkan ayaa si gaar ah waxaa loogu bartilmaameedsaday Xaafado ku yaal Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ammaanka ay halkaasi ka soo qabteen rag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen 15 ruux oo saddex ka mid ah la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin sida iyaga ay qirteen, mid ka mid ah sadexdaasi ruux waa dhaawac.

12-ka ruux ee kale ee ciidamada ay soo qabteen ayaa la sheegay in lagu tuhmaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin balse baaritaan dheeri ah la marsiin doono.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay Saddexda nin ee Shabaabka ah inay afkooda ka qirteen inay Shabaab ka tirsan yihiin, iyadoo markii horeba la haayay macluumaadkooda.

“Waxaan soo qabanay 15 ruux oo ciidamada ammaanka ay soo qabteen 15-kaasi saddex ka mid ah waa Shabaab oo iyaga ayaa qirtay mid ayaa dhaawac ah.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Xogo ciidamada ammaanka ay hayeen kolkii hore ayuu sheegay  in lagu duulay oo howlgalkaan ciidamada ay ku sameeyeen, islamarkaana shacabka ay uga mahadcelinayaan sida ciidanka xogta ay ula wadaagayaan.

Maalmahan dambe waxaa sii kordhaya howlgalada kala duwan ee ciidamada Dowladda sida gaarka ah ay u fulinayaan oo lagu soo qab qabanaayo ragga Shabaabka ka tirsan.