Doowladda Turkiga aya sheegtay in dhowaan Muqdisho ay ka fulineyso Mashruuc lagu dhisayo ku dhowaad 10,000-kun oo guri oo loogu talagalay in ay ka fa’iidaystaan dadka shacabka ah ee an awooda u lahayn in ay iska bixiyan dhaqalaha ku baxaya dhismayashii ku bur-buray dagaladii ka dhacay Soomaliya.
Ku xigeenka kaaliyaha Wasaradda arimaha dibadda Dalka Turkiga Cali Kamaal Aydiin oo la hadlay suxufiyiinta aya shegay in turkigu uu hirgelin dono Mashruuca guryo looga dhisayo Gudaha Soomaliya kaas oo horay uu u balan qaday Madaxwaynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan markaas oo uu booqasho ku yimid Soomaliya Sanadkii 2015-ka.
Waxa uu yiri waxa bilaban doona qorshayaal an ku dhisayno ku dhowaad 10,000-kun oo guri oo dadka ka fa’iidaysanayo ay yihiin kuwa danta yar e ku nool magalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa ay guryahaan qayb weyn ay ka qadan doonaan Bilicda Casimadda oo hatan uu ka muuqdo horumar aad u balaran ayuu yiri ku xigeenka kaaliyaha Wasaradda Arimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Cali Kamaal Aydin.
25-ka Bishii Janaayo Sanadkii 2015-ka ayay ahayd markii Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan oo booqasho ku yimid magalada Muqdisho uu balan qaday Dowladda Turkigu in Soomaliya ay ka hir gelineyso Mashruuc lagu dhisayo 10,000-kun oo gurri.