Hogaanka Ciidamadii iyo Maleeshiyo Beeleedkii la wareegay Magaalada Buuhoodle Ee Gobolka Tog-dheer ayaa amar ku bixiyey in ay Magaalada isaga Baxaan Ciidamada ka amar qaata Prof; Cali Khaliif Galeyr iyo xubnaha sar sare Ee Maamulka Khaatumo.
Ma jirin wax iska hor imaad ah oo halkaasi ka dhacay waxaana Magaalada Goor sii horeysayba isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Cidamadiisa iyo Masuuliyin kale oo ka tirsan Maamulkiisa.
Saraakiisha hor kaceysa Ciidamada yo Maleeshiyo Beeleedka la wareegay Buuhoodle Oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in ay gacan adag ku qaban doonaan Dad ayku tilmaameen in ay yihiin kuwo halis ku ah Amaanka Magaaladaasi.
HALKAAN KA DHAGEYSO