Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu magaalada Hargeysa uu kulan kula qaatay mas’uuliyiinta shirkad qaabilsan dhanka shidaal baarista, waxaana uu kala hadlay arimaha ku aadan in ay shidaal baaris ka sameeyaan deegaanada maamulka Soomaaliland.
Shirkadan oo lagu magacaabo Raag Gas ayaa waxa ay baaritaano dhanka shiidaalka ka sameyn doontaa deegaano ka tirsan maamulka Soomaaliland.
Waxaana sidaasi saxaafadda usheegay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Soomaaliland oo kulanka madaxweynaha Soomaaliland uu la qaatay mas’uuliyiintaasi ka dib saxaafada la hadlay.
Deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa dhowaan lagu wadaa in laga bilaabo baarista shidaal, waxaana deegaanada laga bilaabayo ka mid ah gobolka Saaxil oo inta badan saraakiisha dhanka shidaal baarista uqaabilsan shirkadda Raag Gas ay sheegeen in ay tahay meel ay suuragal tahay in laga helo shidaal.
Hoos ka Dhageyso Codka:-