Top News: Nabadoon Cismaan Macallin Xirsi “Liyu Booliska Waxay Gacan Ka Helayaan Beelo Soomaaliyeed”

0

Nabadoon Cismaan Macallin Xirsi oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanada xiisadaha colaadeed ay ka taagan yihiin ee Xadka gobolkaas uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in Ciidamada Liyu Police ee shacabka deegaanadaas ku soo duulay ay gacan ka helayaan Beelo Soomaaliyeed oo xurguf dadka deegaanadaasi uu kala dhexeeyo.

Waxa uu sheegay Nabadoon Cismaan Macallin Xirsi in qabaa’ilada qeybta ku leh xiisadahaas ay u arkaan Maslaxad siyaasadeed.

Dhawaan ayey ahayd markii maamullada Puntland iyo Jubbaland lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin hurinta Colaadaha ka jira Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.