Waxaa dhawaan duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaray in kabadan 200 oo Qoys oo barakacayaal ah oo ka soo cararay dagaalada ka socdo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose.
Barakacayaasha ayaa lagu soo waramaa in illaa iyo hadda aysan heysan hooy ay ka galaan qabowga iyo kuleelka ka jirto Kaamaka ay ku soo dageen ee ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho, waxa ayna codsanayaan in lala soo gaaro kaalmo bani’aadanimo oo deg deg ah.
Qaar ka mid ah barakacayaasha soo gaaray duleedka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay heysato xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato islamarkaana ay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah.
“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in nalala soo gaaro gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah, maadaama ay naheysato xaalad bani’aadanimo oo aad uliidato” ayey dheheen qaar ka mid ah barakacayaasha.
Sidoo kale, Barakacayaasha ayaa tilmaamay in mudadii ay jidka ku soo jireen ay wajaheen tacadiyo kala duwan oo isugu jira, dil, kufsi, iyo boob loo geystay qaar ka mid ah barakacayaasha intii ay wada ku soo jireen.
Ma’ahan markii ugu horeysan ay sidaan ookale barakacayaal dhibaateysan u soo gaaraan qaar ka mid ah Kaamamka ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.