WAR DEG DEG:- Maamulka Galmudug oo ku eedeeyay Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya inay xasuuqeen Dad Rayid ah

0

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali  oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay in Ciidanka Liyu Police ay xasuuq ba’an ka geysteen Xadka ay wadaagaan Gobolka Galgaduud iyo dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Cismaan Maxamed Cali Wasiirka Dasuurka iyo dib u Heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Liyu Police ay horay uga soo barakiciyeen dad xoolo dhaqato ah deegaanno ka tirsan dowlad deegaankooda , kadibna ay  kaga daba yimaadeen deeganada kale ee xadka kala wadaagaan Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Wasiirka ayaa dhaqanka Ciidamada Liyu Police ku tilmaamay mid aad u xun waxa uuna carabka ku adkeeyay in ay caadeysteen Xasuuqa  dadka maatada ah.

Geesta kale Wasiirka ayaa beeniyay war ka soo baxay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo ku aadanaa in maamulka Glamudug ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay deegaanada Furunta Four iyo Dacdheer ee Gobolka Galgaduud , taas oo uu ku tilmaamay Dacaayada Raqiis ah.

Xiisado iyo dhiilo colaadeed ayaa weli laga soo sheegayaa in ay ka taagan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud oo ay ku soo duuleen Ciidamada Liyu Police ee hoostaga dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.