Maxkamadda dambiyada caalamiga oo baaraysa xadgudubyada ka dhacay dalka Burundi

0

Maxkamada dambiyada dagaalka Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday inay guddi gaar ah u saartay barista xad gudubo ka dhan ah bini’aadanimada oo ka dhacay dalka Burundi inta rabshaduhu jiraan.

Afhayeen u hadlay maxkamadda ICC ayaa sheegay in guddigaan ay tagi doonaan dalka Burundi waxaana ay u kuur gali doonaan sida ay wax uga dhaceen inta ay socdaan rabshadaha bilowday sanadkii hore.

Guddiga xaquuqul Insaanka Q,M ayaa ku eedeeyay taageerayaaasha M/weynaha inay dileen  430 ruux oo rayid ah.

Xaaladda dalka Burundi ayaa kacsaneyd tan iyo bishaan oo kale sanadkii hore.