DHAGEYSO:- Hay’ada UNICEF oo shaacisay in Cudurka Malaariyada uu ka dhamaaday Soomaaliya

0

Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa sheegtay in ay hoos u dhacay khatarta cudurka Malaariyadda gudaha Soomaaliya.

UNICEF waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay hoos u dhacday dadka uu soo ridanaayo cudurka Maalariyadda  ama la ildaran ,waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in Soomaaliya laga taageero  in la dabar gooyo cudurkaas.

Wakiilka  Hay’adda UNICEF ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya , Dr. Anirban Chatterjee oo War qoran ka soo saaray magaalladda Nairobi  ee caasimada Kenya waxa uu ugu baaqay  shacabka  inuu qof kasta kaalin ka qaato La-dagaalanka Malaariyadda ka jirta Soomaaliya  oo uu xusay inay hoos u dhacday.

“waan ognahay wali waa jirtaa khatarta cudurkaas,laakiin adduunka waxaan u sheegaynaa in ay hoos u dhacday khatarta iyo waxyeelada malaariyadda” ayuu yiri Dr. Anirban.

Hadalka UNICEF ayaa kusoo aadaya xili shalay ay ku beegneyd maalinta loo  asteeyey Maalinta Malaariyadda Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-