Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho Kooxo hubaysan ayaa saaka dil ka geystay Degmadaasi.
Kooxaha hubaysan oo gaarayay labo ruux ayaa dilay nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade, kaasi oo Magaciisa dadka deegaanka ay ku soo koobeen Aadan Afgooye.
Ninkaan ayaa la toogtay xilli uu furaayay goob ganacsi uu ku lahaa Degmadaasi Dharkiinleey waxaana dilay rag hubaysan oo Bistoolad watay.
Qof ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in Aadan Afgooye maalmo ka hor Masjidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey uu ka istaagay, islamarkaana uu halkaasi ka sheegay dilalka inay ku soo badanayaan Xaafada, Maamulkana looga baahan yahay inay ciidamo dheeri ah keenaan Xaafada.
Dadka waxa ay tilmaamayaan hadalkaasi in sabab uu u yahay dil loo geystay Aadan Afgooye oo goob ganacsi ku lahaa Xaafada Ceeldheere ee Degmada Dharkiinleey.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo halkaasi ka bilaabay Baaritaano, inkastoo aysan jirin cid la sheegay ciidamada dilkaasi inay u soo qabteen.
Degmada Dharkiinleey waa Degmada ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee ka dhaca caasimada Magaalada Muqdisho.