Dibadbaxyo ballaaran ayaa la filayaa in maanta ay ka dhacaan caasimadda waddanka Ciraaq, ee Baqdaad, kaasi oo looga cabanayo dhibaatada siyaasadeed ee sii socota iyo isbadel la’aanta.
Isu soo baxyadan oo uu ku baaqay wadaadka Shiicada ah ee saameynta leh ee Muqtada al-Sadri, ayaa imanaya xilli baarlamaanka Ciraaq uu isku dayayo inuu u codeeyo golaha wasiirada cusub kaddib saddex todobaad oo ismari-waa ah.
Ra’iisul Wasaare, Xaydar al-Cabaadi, ayaa doonaya in golaha wasiirada haatan jira oo ka soo kala jeed axsaab lagu badelo gole ka kooban khubaro oo ka qeyb qaata barnaamijyada isbadelada ee la doonayo.
Weriyaha BBCda ee Baqdaad ayaa sheegaya in tani ay tahay dhibaatadii siyaasadeed ee ugu xumeyd ee ka dhacda Ciraaq tan iyo markii 2003 xilka laga tuuray Sadaam Xuseen.