Yaa masuul ka ah dhalinyaradan maalin walba ku dhimaneysa musiibadan tahriibka?

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin, aan bal marka hore u tacsiyeeyo qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhimatay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, Waxaanna leeyahay qoysaskaasi Samir iyo iimaan Alaha idinka siiyo awlaaddii iyo asxaabtii idinka geeriyootay, Iyagana Alaha u naxariisto naxariis waasic ah. Aamin Aamin.

Walaalayal, Waxaa waayadan sii labo-lixaadsaday dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin walbo ku dhimaneysa gunta badaha Caalamka, Iyagoo u tahriibayo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan qaaradda Yurub oo kale, si ay uga baxsadaan nolosha adag ee ka jirta Dalkooda, ee ay astaan u tahay amnidarada, dhaqaalo-xumida, aqoonyarida iyo waliba khilaafaadyada siyaasadeed ee maalin walba sii baahayo.

Dhalinyaradan tahriibeysa, Ayaa waxa ay isugu jiraan gabdho iyo wiilal, oo waliba qaarkood ay aad u yaryar yihiin, Kuwaasi oo ka kala yimaado dhammaan gobolada uu ka kooban yahay dalkeenna Soomaaliya. Waxa ayna maalin walba ku dhimanayaan gunta badaha, sahara iyo waliba xabsiyada dalalka qaar sida Liibiya oo kale. Hadabo, yaa masuul ka ah musiibadan tahriibka, ee maalin walba galaafaneysa nolasha dhalinyaradii soo koraysay ?

Anigu, Waxa ay ila tahay runtii in ay arintaasi masuul ka yihiin guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka waxgaradka sida Siyaasiyiinta, Culimada, Aqoonyahanka iyo waliba ganacsatada, Maxaa yeelay Iyaga ayaa kuwa hormuudka u ah bulshada, Iyaga ayaana laga rabay in ay xaliyaan dhibaatada ay ka tahriibayaan dhalinyaradan, haddii ay ahaan lahayd mid amni, mid dhaqaale, mid waxbarsaho iyo haddii ay ahaan lahayd mid bulshaba.

Sidan soo tilmaanayba, Musiibadani waxaa masuul ka ah afarta kooxood ee aannu soo sheegnay, kuwaasi oo ku guuldareystay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay in ay dhisaan dowlad Soomaaliyeed oo ka jawaabta baahida dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka dhalinyarada oo runtii u baahan waxyaabo badan oo ay noloshoodu ku maareeyaan sida dhaqaale oo kale.

Waxa ay sidoo kale afartan kooxood ku guuladareysteen in ay xaliyaan dhibaatada ka jirta Dalkeenna, gaar ahaan dhinacayada shaqo la’aanta, amniga iyo waliba siyaasadda oo runtii saldhig u ah nolosha bini’aadamka, gaar ahaan teeda wanaagsan, Taasi oo ay maanta ku naaloonayaan shucuubta dalalka ay dhalinyaradani u tahriibeyso sida Yurub oo kale.

Markii ay afartan kooxood (siyaasiyiin, culimo, aqoonyahan iyo ganacsato) ku guuldareysteen dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana amni ah, Ayey dhalinyaradu bilowday in ay Dalka isaga haajirto, maadama uusan u soo muuqan mustaqbal wanaagsan oo ka jawaabayo himilooyinkooda iyo waliba waxyaabaha kale ee ay ku taamayaanba.

Adinkan idin weydiiye, Sidee buusan u tahriibeynin wiilka yar ee lagu yiri, Waxaa kuu dal ah Hargeysa, Burco, Barbera, Gabiley iyo Borama, hadana aanan loo haynin shaqo iyo dhaqaale uu ku maareeyo nolashiisa ? Maxaase u diidayo wiilkaasi in uu ka baxsado noloshan ciriiriga ee aad mooddo xabsi kor ka furan, Hadana kuwa hogaanka u hayo deegaanadaasina ay yihiin kuwa aad aragteen ee maalin walba isku haysto xisbi hebel baan ka soo baxay iyo xisbi hebel bay u shidan tahay, oo waliba hamigoodu uu yahay qayilaad iyo u jaajuusid shisheeye.

Maxaa u diidayo in ay tahriibto gabadha yar ee lagu yiri, Waxaa kuu dowlad ah maamul beeleed (buntland) Iyadoo aan loo haynin waxbarasho tayo leh, caafimaad bilaash ah iyo waliba shaqo ay ku ilaashato sharafkeeda, halka kuwa sheegta in ay masuul ka yihiinna ay isku badaleen dallaaliin (madaxada Buntland) iibinayo muqadasaadka Umadda haddii ay tahay diin, iyo haddii ay tahay dhaqanba, Iyagoo waliba ku faraxsan shaqada xun ee ay u hayaan kuwa ay u adeegayaan.

Mar kale, Walaalayaal maxaa u diidayo in uu tahriibo wiilka yar ee ku nool Koonfur sida magaalada Marka oo kale, ee uu shisheeyuhu ku soo duulay dalkiisa, Isagoo doonayo in uu dhaco kheyraadka Dalkiisa, iyo waliba waxa yar ee uu Caalamka ugu deeqay dadka Soomaaliyeed ? Maxaase u diidayo wiilkaasi in uu nolol kale ka raadsado magaaladiisa ee ay shisheeyuhu ka dhigeen xaro-geel lagu tunto ?

Ma jiraa dunidan qof ku noolaan karo dal aan amniba arag wax ka badan 25 sano oo xiriir ah, Mase jiraa qof ku noolaan karo dal aysan qiimaba ka lahayn nolasha bini’aadamka ? Adiguse ma ku noolaan lahayd dal noocaasi oo kale ah, Hababa noqde dalkaasi midka aad asal ahaan ka soo jeeddee ? Wey adag tahay runtii in lagu noolaado dal noocaasi oo kale ah, oo waliba kuwa hogaanka u hayana ay yihiin manaxayaal aan damiir lahayn, oo hadana iskubadalay dallaaliin iibinayo sharafka Umadda iyo muqadasaadkeedii.

Sidan soo sheegayba, Dhibaatadan tahriibka waxaa sabab u ah xaaladdan adag ee ka jirta Dalkeenna ee aan waliba dhamaadka lahayn, Taasi oo Dhalinyaradii ku qasabtay in ay ka cararaan dalkooda, Iyagoo u tahriibayo dalal shisheeye sida Yurub oo kale, Halkaasi oo ay ka filayaan in ay ka heli donaan nolol dhaanta midda ay hadda ku haystaan gudaha dalkooda waaba haddii ay nolol ku gaaraan Yurubta ay socdaalayaane.

Waxaan sidoo kale qabaa in ay musiibadani sii socon doonto inta ay aamusan yihiin waxgaradka Umadda Soomaaliyeed sida Culimada oo kale, Kuwaasi oo aad mooddo in ay maalmahani doorkoodii uga tanaasuleen kuwa sheegta siyaasiyiinta, balse aan Aniga u aqaanno dallaaley ka ganacsata sharaf iyo khiyamka dadka Soomaalida ah, Islamarkaanna fududeeya qorshayaasha Dalka looga saarayo dhalinyaradii soo koraysay si markaasi Dalka loola wareego.

Anigu, Markan qiimeeyo waxyaabaha maanta Wadankan ka dhacayo, iyo waliba qorshayaasha ku socda Umadda Soomaaliyeed ee ay garwadeenka ka yihiin qaar ka mid ah siyaasiyinta beelaha Isaaq, Marjeerteen iyo Abgaal, Waxaa runtii ii soo baxayso in uu socdo shirqool la mid ah kii lagu qabsaday dhulkii la oran jiray UNDULUS ee ay Maslimiintu mar gacanta ku hayn jireen sanado badan.

Marka aad isbar-bardhigto qataraha ka imaanayo musiibadan tahriibka ah ee ay ku baxayso lacagta badan iyo waliba waxyaabaha yaallo dalalka loo tahriibayo sida Yurub oo kale, Waxa runtii kuu soo baxayso xisaab aan dheelitirneyn. Tusaale ahaan, marka aad safarkaasi qatarta badan ku bixiso ku dhawad 15.000 oo doolar. Ka dibna lagugu tuuro xero qaxooti, Adigoo qaadanayo wax aan ku filneyn nolashaada, Hadana laguu dhiibo shaqo aad ka faani jirtay markii aad Dalka joogtay. Hadabo, maxaad faa’iidday ?
Hadabo, Haddii la doonayo in xal loo helo musiibadan galaafaneysa ubaxii soo korayey, Waa in la addres-gareeyaa duruufaha dhalinyaradan ku qasbaya in ay ka tahriibaan Dalkooda. Waan ku celinayaa mar kale, Haddii la doonayo in xal loo helo mishkiladdan soo noqnoqotay, Waa in wax laga badalaa xaalka Dalka haddii kale, waxaa dhici doonto inaan marwalbo ku dul ooyno raqda korkeeda. Fadlan uga abuura dhalinyarada gudaha dalkooda mustaqbal ay tiigsadaan.
Markan hadalka soo uruuriyo, Musiibadani waxaa masuul ka ah guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka waxgaradka sida Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Culimada iyo waliba Ganacsatada, Maxaa yeelay Iyaga ayaa hormuud u ah Bulshada, Iyaga ayaana laga rabay in ay wax ka qabtaan duruufaha dhalinyaradan ku qasbaysa in ay ka cararaan dalkooda, Haddii ay ahaan lahayd duruufo dhaqaale iyo haddii ay ahaan lahayd dhuruufo amniba, Waana sababtaasi sababta aan Iyaga ugu eedeynayo dhibaatadan baaxadda leh.
Gabogabadii iyo gunaanudii, Waxa aan soo jeediniyaa haddii uu Rabbi idmo talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay xal u noqon karaan duruufaha dhalinyarada ku qasbayso in ay ka tahribaan Dalkoodan hodanka ah. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda :-
1- In ay Culimadu soo saarto fatwo sharci oo mamnuuceysa tahriibka iyo u safridda dalalka qaar.

2- In Dalka la nabdeeyo, Islamarkaanna la dhiso dowlad macno leh oo soo saarta kheyraadka Dalka.

3- In Dalka laga saaro dhammaan ciidamada Shisheeyaha ah ee dhibaatada ku hayo Dalka, Dadka iyo waliba Diinta.

4- In Dalka la cayriyo dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha la wareegay shaqooyinkii ay qaban lahaayeen Dadkeenna.

5- In dhalinyarada loo ogolaado in ay ka shaqeeyaan sideed iyo tobanka gobol ee ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda.

6- In ay Warbaahintu qabato dooddo joogta ah oo looga hadlayo musiibadan tahriibka.

W/Q: Maxamed Ibarhim
Al-faatix1960@hotmail.com