WAR DEG DEG:- Nabad sugida qaranka oo Xaqiijisay in Gacanta lagu dhigay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa xaqiijisay in Ciidankeeda ay qabteen Xasan Fanax oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Al shabaab, kaasii oo Dowladda si aad ah u doon-dooneysay qabashadiisa.

War Qoraal ah oo lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Xasan Fanax oo madaxiisa la duldhigay lacag abaalamrin ah Sanadkii tagey in lagu qabtay Howlgal gaar ah oo Xalay ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Xasan Fanax iyo 12 kale oo kamid ah Al shabaab ayaa la sheegay in lagu qabtay Howlgalka oo ka dhacay Guri Ku yaalla Degmada Kaxda, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Sarkaalkan uu dhamaadkii sadankii tagey ku biiray Ururka Daacish.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay Xasan Fanax in uu abaabulay Weeraro badan ka dhacay Muqdisho iyo Deegaanno kale kuwaasi oo lala eegtay Ciidanka AMISOM iyo kuw Dowladda Somalia.