Maamulka Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shir ka socda magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose, shirkaas oo lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay deegaano kamid ah gobolkaasi isku hayaan.
Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur galbeed Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in lasoo afjaro colaad mudo jirtay, oo u dhexeysa beelo walaalo ah oo ku wada nool gobolka Shabellaha hoose.
“Shirka hada meel fiican ayuu marayaa, waxaan dooneynaa in aan kusoo afjarno colaada jirta ee kaliftay in dhiig uu daato, hada meel gabo gabo ah ayuu marayaa”ayuu yiri wasiirku.
Wasiirro ka tirsan Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay ku biiri doonaan Shirka si loo soo af jaro Colaadda u dhaxeysa Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaallamaya Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan magalaada Marka.
Shirka kasocda Marka ayaa shalay waxaa laga soo saaray heshiisyo hor dhac ah, kuwaas oo qodobada kujiray ay kamid ahaayeen, in xabada la joojiyo sidoo kalena shacabka labada dhinac ay isku gudbi karaan, iyo waliba in ciidanka dowlada iyo Amisom ay ka kaalin weyn ka qaataan xalinta colaada jirta.