Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka doodaya Sharciga Axsaabta Dalka

0

Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya  Hindise Sharciyeedka Xeerka Axsaabta Dalka.

Xeerkan ayaa waxaa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan ee laga rabo Xildhibaannadu in ay meel mariyaan,maaddaama uu muhiim u yahay doorashooyinka dhacay dhamaadka Sanadkan,2016-ka inkasta oo Dowladda dhisayo Bisha August ee Dowladda hadda jirta beddeleysa ay ku imaaneyso Nidaamka 4.5 oo Dowladda hadda jirta ay ku dhinsan tahay.

Xeerkan ayaa waxaa dhowr jeer dood ka keenay  Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira Dalka,kuwaa oo Xukuumadda ku eedeeyay in ay iyada Seynta uga fadhido meel marinta Xeerkaas,hayeeshee Xukuumadda ayaa arrintaa ka jawaabtay,waxaana ay meel mariyeen xeerkaas iyag oo ku wareejiyay Baarlamaanka oo uu maanta marinayo aqrinta labaad.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan Hindise Sharciyeed kale geli doonin ilaa ay ka dhameeyaan oo ay ka ansixiyaan Xeerka Axsaabta Dalka oo ay Xisbiyadu si gaar ah isha ugu hayaan.