Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeeyay qiray in Ciidamada Itoobiya aya qeyb ka yihiin dagaalo In dhawaana kusoo laa laabtay deegaano dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Wasiir Ku xigeenka cadaalada galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo la hadlay bahda wardoonka ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay marra badan xaquus ka geysteen Deegaanada Dacdheer iyo Kaxandhaale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Wasiirka oo ka hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanadaasi ayaa sheegay in si toosa ay Ciidamada Liyuu Boolis oo Wata Calanka Itoobiya ay dagaalka ka qeyb qaateen Balse dadkii shacabka ahaa oo marar badan ay dhibaateeyeen iska celiyeen.
Waxaa uu sheegay Wasiir ku Xigeenku in aysan indhaha ka qarsaneynin dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Galmudug ee ku nool Deegaano dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Warakii ugu danbeeyay ee ka imanaya Deegaanada shalay lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay saaka tahay mid degan hayeesheen ay jiraan is aruursi ay dhinacyadii halkaa ku dagaalamay sameynayaan waxana la sheegay in dagaalii shalay ay ku geeriyoodeen inkabadan 20- ruux halka tiro intaas kabadanina ay ku dhaawacmeen.
HALKAAN KA DHAGEYSO