Maxaa looga hadlayaa Fadhiga maanta ee baarlamaanka Puntland ?

0

Xubnaha Gollaha Wakiilada ee dawladda Puntland ayaa maanta yeelanaya fadhi gaar ah oo ay mid mid ugu dhageysan doonaan Taariikh Nololeedkooda & Khibradooda Shaqo guddiga Doorashooyinka ee Puntland, kaas oo ay ugu dambeynta codka kalsoonida u qaadi doonaan.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood & Xogheyn guud ayay kala magacaabeen Madaxweyne Gaas & Guddoonka baarlamaanka ee Puntland, waxaana Xildhibaanadu ay sheegeen in ay mid mid codka kalsoonida ugu qaadi doonaan xubnaha guddigan.

Guddiga ayaa shaqooyin badan dhawrayaan, maadaama sida hadda muuqata ay Puntland doonayso in ay u gudubto Nidaamka Asxaabta baddan oo ay sheegtay in lagu gali doono doorashada soo socota.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qanciyaan Gollaha Wakiilada, waxa ayna qaarkood sheegeen in ay kalsooni weyn ku qabaan in mudada hartay ay meelmar uga dhigi doonaan howlaha badan ee horyaala.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdihakiim Xaaji Cumar Camey oo shaley la hadlayey Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay Dawladdoodu ku dadaalayso in meelmar laga dhigo arrimaha guddigan, isagoo cadeeyey in uu muhiimad weyn ugu fadhiya guddigan dawladda Puntland.