Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo halka uu ka soconayo Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo Dad Shacab ah oo ka soo jeeda Galmudug ayaa sheegaya in Wali Dagaalku uu soconayo.
Dagaalka ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintay Ilaa 2 Ruux oo dhanka Dadka Reer Guuraaga ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen Tiro kale.
Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyay Isbitaalada Magaalooyinka Cadaado iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa salka ku haya ka dib markii Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Amreen in Dadka Shacabka ah ay ka Guuraan Dacdheer.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-