DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horeysay ka hadlay cida soo xuleyso Xildhibaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay la weydiiyey su’aasha ku aadan cidda sida rasmiga ah u soo xuleysa xubnaha gobalada Sool, Sanaag & Cayn uga mid noqonaysa baarlamaanka federaalka Aqalka Sarre ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taas oo mudooyinkii u dambeeyey si weyn loo hadal hayey, maadaama ay jireen Isimo & kooxo ka hadlay arrimahan.

Madaxweyne Gaas oo la hadlayey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ay Puntland tahay deegaan balaaran oo ay dadka wada daga ay yihiin kuwa iskugu yimid heshiis bulsho, wuxuuna sheegay in beelaha gobaladaas degan ay ka mid yihiin beelihii Puntland dhistay sannadkii 1998-dii, wuxuuna cadeeyey in ay Qoondo weyn iyo miisaan siyaasadeed oo mug weyn ku leeyihiin dawladda Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in Xildhibaanada iyo xubnaha Aqalka sarre-ba ee gobaladaas ka soo jeeda ay soo xuli doonaan Isimada gobaladaas, si lamid ah sida ay Isimada Soomaalida oo dhan u soo xuli doonaan ka qeybgalayaasha hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas