TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Go’aano ka soo saaray Shirar ka socda Muqdisho

0

Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka digtay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha Dastuurka dawladda Soomaaliya, maadaama horay loogu heshiiyey in dibu eegista dastuurkan ay ka dhacdo magaalada Garoowe, 10-ka Bisha May, iyadoo ay kulmi doonaan Madaxda dawlad gobaleedyada iyo Dawladda Faderaalka si ay uga wada hadlaan waxyaabaha u baahan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.

Afhayeenka dawladda Puntland ayaa sheegay in aysan Puntland aqbali doonin qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey & Shir kasta oo laga leeyahay dano Siyaasadeed, kaas oo ladoonayo in lagu maro-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

Mr, Quraanjecel ayaa sheegay in ay Puntland doonayso in meelmar laga dhigo heshiiskii 12-ka April lagu soo gaaray Muqdisho, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in Guddiga Dibu eegista Dastuurka ay tagaan Garoowe, isla markaasna laysla meel dhigo arrimaha u dhaxeeya labada dhinac.

HALKAAN KA DHAGEYSO