Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaallada ayaa xoogooda waxay ka dhaceen deegaanno qiyaastii 75 Km u jira degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Guddomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanno uu ka mid yahay Budbud.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay dileen 25 ka tirsan dagaalyahannada Alshabaab inta dagaalladan ay socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan gaarnay deegaanno cusub kadib dagaal aan la galnay nimankii nabad diidka ahaa, waxaan qabsannay deegaanno ay ka mid yihiin Budbud iyo Ulajarad, waxayna degmada Ceelbuur ii jirtaa 75 Km, weyna sii socdaan ciidanka” ayuu yiri guddoomiyaha.
Dhanka Xarakada Alshabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaan ka dhacay gobolka Galgaduud.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe gobolka Galgaduud ka waday howlgallo ka dhan ah Xarakada Alshabaab.