UPDATE:- Maamulka Somaliland oo sheegay in Beesha Caalamka ay u gudbiyeen in la Aqoonsado

0

Xukumadda Soomaaliland ayaa sheegtay in Beesha Caalamka ay u gudbiyeen Codsigii ugu dambeeyay oo ku aadan in loo Aqoonsado Dal ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukumadda Soomaaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo la hadlay warbaahinta Soomaaliland ayaa sheegay in ay diyaariyeen Warbixino ka hadlaya Arrimaha Soomaaliland iyo in Soomaaliland loo Aqoonsado dal ka madaxbanan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Garyaqaano ka soo jeeda Soomaaliland ay qaadi doonan Warbixinta ka socota Xukumadda Soomaaliland ee Beesha Caalamka looga dalbanayo Gooni isku taaga Maamulka Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland oo sheegay in ay Soomaaliya ka Go’een 1991-dii ayaa Aqoonsi raadinayay ilaa 25 Sano,inkastoo aysan jirin Cid wali Aqoonsi siisay.

Degaanada Maamulkaasi uu ka jiro ee Gobolada waqooyi ayaa ah kuwo ka nabad galyo badan Soomaliya inteeda kale,inkastoo ay ka dhacaan Mararka qaar Falal amni Xumo ah.