Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladan Washington ayaa waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA,waxaana uu uga hadlay Arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa waraysiga ku sheegay inuu mar kale yahay musharrax u taagan doorashada madaxweynenimo ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya,iyadoo uu tilmaamay inuu la imaan doono Qorshe Cusub oo soomaaliya lagu gaarsiinayo hiigsiga 2020 sida uu Doorashadii hore oo kale ula yimid Lixdii tiir.
Waraysiga ka horna waxa uu madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Machadka Nabadda ee Maraykanka ee xaruuntiisa tahay magaaladan Washington DC, madxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda ay Somaliya maanta marayso, doorashooyinka iyo nabadgaliyada dalka.
HALKAAN KA DHAGEYSO