TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo qaadatay Talaabooyin Siyaasadeed oo looga hortagayo Tahriibka

0

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa War Murtiyeed ka soo baxay Xafiiskiisa lagu sheegay in Dowladdu ay qaadeyso Tallaabooyin lagu hakinayo Tahriibka iyada oo wax laga qabanayo Shabakadaha Dhallinyarada u fududeeye Tahriibka.

Ugu horrayntii waxay xukuumaddu ugu baaqaysaa dhallinyarda Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan, kana waantoobaan dhibaatada Tahriibka, oo lagala kulmo khataro aad u faro badan kumanaan Soomaali ahina hore ugu leedeen.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay qaadatay tallaaboooyin siyaasadeed oo muhiima oo lagaga hor tagayo Tahriibka:

1-In Waalidiinta Soomaaliyeed ay xil iyo masuuliyad iska saaraan badbaadinta ubadkooda ee aanay ka qayb qaadan fudu-daynta tahriibka.

2-In ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu abuuro unug u gaar ah oo u xilsaaran dabagalka xogaha la xiriira shabakadaha ka shaqeyaa tahriibinta dhallinyarada.

3-Xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiintu waa inay si toos ah ugala shaqaeyaan hay’adaha ammaanka ka hortagga tahriibka.

4-Waxaan kala shaqeyneynaa dowladaha jaarka ah, sida Ethiopia, Sudan, Egypt iyo dalalka Turkiga iyo Giriiga sidii wax looga qaban lahaa bur burinta shabakadaha tahriibka.

5-Dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobay, dalalka aan saaxiibka nahay iyo Bangiyada Horumarinta waxaan weydiisaneynaa sidii ay wax noogala qaban lahaayeen joojinta tahriibka, iyadoo xoogga la saarayo, sidii fursado shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.

6-In Wasaaraddaha Arrimaha bulshada ka shaqeeya, sida Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Waxbarashada, Arrimaha gudaha, dhallinyarda iyo cayaaraha waa inay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa joojinta tahriibka iyo ollolaha ka Wacyi-gelinta dhallinyarada looga digayo Tahriibka.

7-In la qabto Talo-qaran oo lagaga arinsanayo khatarta tahriibka, iyadoo lala tashanayo cid kasta oo arrintani khusayso.

8-Dowladdu waxa ay ka shaqeyneysaa in la xoojiyo sidii loogu sahli lahaa dal ku gal (VISA) waddamo badan, si bulshada Soomaaliyeed ee u socda caafimaadka, ganacsiga, waxbarashada ay ugu sahlanaato tegista waddamadaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO