Tahriibku Waa Talo Xumo Iyo Tacab Qasaar!

0

Hooyo Soomaaliyeed ayaa waxay kusoo korisay silic iyo rafaad wuxuu gaaray ama ay gartay, da,da 30 ama 20. waa meeshii uu ku ” Anfici” lahaa Dalkiisa Dadkii iyo Diintiis waa meeshii walidkiis uu ku nasan lahaa}, waxaa ku baxday wax allaale wixii la heli karay markas ayuu tahriibay kadib markii uu ku niyad jabay Qabyaalada Qabiileysiga, waa Murugo waana qaran jab..

Waxaa maalin kastaa dhagaha iyo indhaha Bulshadda Soomaaliyeed kusoo dhacaya waxaa Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya Yemen, iyoMasar, iyo ku baa,ba` aya’ Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ah dhalinyaro da,doodu u dhaxayso 30. ilaa 20,taasoo ah masiibo Qaran si gaar ahna, ugu dhacday waalidiinta Soomaaliyeed…

– TIIRKA BULSHADA ;

Dhalinyaradu waxay Udub dhaxaad ama laf dhabar” u yihiin Qaranimada iyo bulsho hormarta waa Haddii ay helaan Mustaqbal marka hore soosara ayaga laftoota hayeshe dhalinti Soomaaliyeed waxay u kala qayb sameen kuwo ku baa,baya Tahriib Colaado` aan Qiilahayn qabyaalad , (Jaad) iyo u” adeegida siyaasi na dan u hayn dhalinta Soomaaliyeed.

Tahriibku wuxuu kamid noqday dhacdooyinka joogtada ee Soomaalida haysta taas oo `ah masiibo Qaran ilaa hadana aysan muuqan dadaalo lagu baajinaayo masiibadaas ubixii Dalka Soomaaliya ku dhamaanayaan.

– Kobaca awoodeed ee Bulsho wa dhalinta”

Bulsho waxaa laf dhabar u, ah dhalinyaradda haddii dhalinyaradu Mustaqbal wayaan waxaa xaqiiqa inaan lahelayn Qaran ama bulsho leh cudud dhan kastaba ha” ahaatee waayo dhalinyaradu waxay ka mid yihiin kobcinta bulsho ama Qaran‘ horamar gaara..

Maamuladda Soomaaliya ka jira waxay gabeen inay xitaa dhiiri gelin iyo isku dey lagu joojinaayo tahriibka ay sameeyaan mid kastana wuxuu ku mashquulsan yahay sidii midka kale u feyla goyn lahaa, xudduud uga samaysan lahaa waa ayaan daro Soomaali ku habsatay, Maamulada Dawladda dhexe ee federalka, Puntland Somalind, Jubland Koonfur Galbeed, Dawlad deegaanka Soomaalida , dhammaan waxaa saran waajibaad Qaran iyo Joojinta Dabar Go, a da, yarta Soomaaliyeed..

Dhalintii Soomaaliyeed waxaa ku dhacay jaha wareer aan kala joogsi lahayn taasoo sababtay inay u kala qeybsamaan marxalado kala duwan.

Marxaladda koobaad waxaa weeye in mustaqbalkoodii uu ku ciyaaro siyaasi dano gaara leh kuna gaara hankiisa siyaasadeed kadibna uu kadhigo mid ku dhinta mustaqbal xumo iyo mid noqda mooryaan dhalinta Soomaaliyeedeey dantiina garta kana feejignaadda Siyaasi an mustaqbal idin hayn..

Marxaladda labaad waxaa weeye kuwo ku dhammaanaya Badaha Talyaaniga, Liibiya, Yaman iyo Saxaraha lama dagaanka taas oo ah Calool xumo) iyo naxdin in Wiil Soomaaliyeed ama Gabar Soomaaliyeed ay silic iyo sanxariir ugu dhimato Bad iyo Biri lama dagaana ayaga oo raadinaaya mustaqbal iyo nolol ka fiicaan tii ay ku haysteen dhulkooda waxaase intoota badaan ku dhacdaa wax badso wax beel ayey dhashaa in kastoo an qadarta eebbe la bajin karayn hadana Tallo xumadu waa ku hoojisaa…

Fariin ku socota Walidiinta Soomaaliyeed dhalinta iyo wax garadka Soomaaliyeed”

Tallo kusocota dhammaan Walidiinta Soomaaliyeed waxaan walidtiinta Soomaaliyeed kula talinayaa inay ka fekeran TAHRIIBKA), ay ku dhammaanayan Caruurtoda waxaan saas u leeyahay inanta ama inanka Soomaaliyeed hadii uusan waalidkiis tageero ka helin waa adag tahay inuu iska tago naftiisana biimeeyo marka waxan kula talinaya walidiinta Soomaaliyed inay qayb wayn ka qataan joojinta halaaga Tahriibka…

Waxaan kusoo koobaya

Waxan sidookale baaq u dirayaa dhammaan dhalinta Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa inaan ka fiirsana halaaga iyo dhibka uu leyahay Tahriibku waan qirayaa inay jiraan dhibaato aan la inkiri karayn oo ka jirta waddankeenna Hooyo” laakiin waa inaan isku dayno inaan innagu xal u raadino xalinta dhibatada dhulkeenni haysata manta waan ka aqoon badan, nahay xiligii SYL) ay xorrnimadda Soomaaliya u raadiyen kuna guulaysteen waa inaan

Waxaa qoray Falanqeeye Arrimaha Bulshada

Cabdinuur Faarax Maxamuud
E-mail: guuleed72@hotmail.com