Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa xalay Magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Baledweyne.
Dilka ninkaan ganacsadaha ah ayaa waxaa ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, kadib markii uu rasaas ku furay Ninkaan.
Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Cali (Xuseen Qoono), waxaana lagu dilay Koontarool ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin oo ku yaal Buundo weyn.
Xilliga ruuxaan la dilaayay ayaa waxaa halkaasi ka socday baaritaan ciidamada Dowladda, xilliyada habeenki ah ay ku sameeyaan dadka isaga kala goosha Xaafadaha Magaalada Baledweyne, waxaana dad la socday ruuxa la dilay ay sheegeen askariga inuu si bareer ah u dilay Xuseen Qoono.
Allaha u naxariistee Xuseen Qoono ayaa ka shaqeynaayay Xawaalada Ammaana Magaalada Baledweyne, wuxuuna ahaa nin Bartay Cilmiga IT.
Askariga falkaasi dilka ah geystay ayaa durbadiiba waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo goobta ku sugnaa.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay Ganacsadahaasi xalay lagu dilay Xaafada Buundo weyn ee Magaalada Baledweyne.
Hoos ka Dhageyso Codka:-