DHAGEYSO:- Sugida amaanka gobolka Baay oo isbedel lagu sameeyay

0

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Baay Cornell Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay iney ka feejigan yihiin Weeraro ay Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay heegan geliyeen Ciidanka booliiska isla markaana ay ka feejigan yihiin weeraro iyo Qaraxyo ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Taliya ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan iney xaqiijiyaan amaanka deegaanada gobolka Baay, waxa uuna xusay in ay muujinayaan kaalinta Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee xaqiijinta amniga.

Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan iyo Qaraxyo horay ugu geystay magaalada Beydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Baay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-