Ciidanka Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo Xalay Gaari Dad shacab ah ay saarnaayeen ku rasaaseeyay Degmada Hodon,gaar ahaan Xaafadda Warshadda Caanaha.
Falkaasi ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 3 Ruux oo ay ku jiraan Labo Carruur ah oo da’ ahaan kala jiray Sagaal Sano iyo Lix Sano Jir.waxaana Ciidamada Dowladda oo ka dib falkaasi howlgal sameeyay ay gacanta ku dhigeen Ciidankii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah sida uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane.
Ciidanka falkaasi geystay ayuu ku sheegay Afhayeenku in ay ka tirsanaayeen Milatariga Soomaaliya,kuwaa oo Habeenkii Xalay ahaa Rasaas ku furay Gaari ka mid ah kuwa Dadweynaha ay raacaan.
Xalane waxaa uu sheegay in Ciidanka Amaanka Gobolka oo kaashanayay Wasaaradda Gaashaandhigga ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan kuwii dilay Dadka Rayidka ah,waxaana uu intaa ku daray in lagu wareejiyay maamulka Gobolka oo ay haddaba yihiin Sharci sugayaal.
Hoos ka Dhageyso Codka:-