XOG:- Waxgarad ka cabanaya dhul boob masuuliyiin iyo Saraakiil dowladda ka tirsan ay ku hayaan

0

Xilli ay sii kordhayeen indhawaanahaan Cabashooyinka dhulalka ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan dhulbooka loo geysto dadka Milkiyada sharciga ah u heysta dhulalkooda , oo qaarkood loogu tagri falo awooda dowladda ayaa qaar ka mid ah dadka iska leh dhul ku yaalla qeybo ka mid degmada dharkeynleey ee Gobolka Banaadir waxa ay ka cabanayaan masuuliyiin iyo saraakiil sar sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo ay sheegeen in dhulkooda ay boob ku hayaan.

Cabdisalaan Xasan Kooshin ayaa sheegay in dhul ay ku leeyihiin inta u dhexeysa dhabarka dambe ee xerada Asluubta iyo Ciidankii Cirka ayna u heystaan sharciyo rasmi ah la duudsiinayo , illaa muddo sanado ahna ay isaga daba wareegayeen hay’adaha Garsoorka dalka oo aan waxba uga soo naasa cadaan, isagoo tilmaamay shacabku haddii qaranka ay cadaalad ka waayaan ay keeni karto in ay dib u aaminaan dhibaatadii qabiilka.

Dhinaciisa Xasan Cabdulle Cawaale oo ka mid ah Malkiilayaasha dhulkaas ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dadka dhulboobka ku haya ay ku taamayaan qaarkood taageero ay ka heystaan Marwada Madaxweynaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Maxamed Faarax Diiriye ayaa cadeeyay in mashiinka dhaq dhaqaajinaya ahna awooda fulineed dhulboobka iyaga ka dhanka ah uu yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobe kaas oo ay sheegeen in uu ugu itaal sheeganayo awooda dowlada iyo darajada ciidan ee Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed u Magacaabay.

Dhulkaan uu cabashada ka taagan yahay ayaa waxa uu ku yaalla degmada Dharkeynleey waxaana sida ku cad docomentiyadiisa uu sharci helay sanadihii 1988,1989 1990 xilligii dowladdii dhexe.

Waxaana jihooyinkiisa ka mid ah Bari Darbiga Asluubta iyo Warshadda Daawada.

Koofur Laamiga Xoosh iyo Xerada Badbaado

Galbeed Darbiga Adno iyo Sarta Cabdalla

Waqooyina dhul cusub oo dowladdu iminka bixisay