TOP:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay halka ay mareyso Awooda Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in Dowladdiisa aysan si buuxdo u wiiqin awooda Xarakada Al Shabaab, xili lagu wado Doorashooyin in ay ka dhacan Dalka Soomaaliya.

Isagoo Wareysi gaar ah siinayay BBC-da, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeexay in afkaarta Al Shabaab ay aaminsan yihiin aan looga adkaan karin awood military, balse loo baahan yahay sida uu sheegay in loo wajaho qaab ka duwan Dagaal militari.

“Waxaan kugu raacsanahay inay wali jirto Khatarta Al shabaab, oo aan wali loogu guulaysan dagaalka dhanka idiyolojiyada ama fekerka, balse waxaana uga guulaysan midka Military,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhifaty in Doorashooyinka Baarlamaaniga ee soo socda ay ka dhici doonaan lix Magaalo oo Caasimad u ah Maamul Goboleedyada Dalka ka jira, kuwaasi oo amaankooda uu ku tilmaamay in la isku haleen karo.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in amaanka Magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan ay sugi doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero militari ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

“Doorashada Baarlamaanka Somalia waxay ka dhici doonaan lix goobood oo kala duwan oo dalka kamid ah kuwaasi oo ah Caasimadaha Maamula Goboleedyada Federaalka oo hadda Amniga ah, waxaana joogo Ciidanka AMISOM oo ka taageeri doono Ciidanka Qaranka gudashada mas’uuliyadda Amaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaan ayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka waxey isku raaceen in Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda luga soo xulo lix Magaalo oo Caasimad u ah Maamul Goboleedyada Dalka, iyadoo xusid mudan in Dalka ay ka dhacaan Weeraro u badan Qaraxyo, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay shgeetaan Xarakada Al Shabaab.