DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Cadeysay doorka Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeybgalka siyaasada Dalka

0

Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Dowlada federaalka soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa la kulmay Safiiro ka socda Wadamada Caalamka gaar ahaan Wadamada daneeya Arrimaha soomaaliya.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka ayaa madaxdii uu la kulmay waxa uu kala hadlay doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelanaya Dowlada Cusub ee la filayo iney ka onkato Soomaaliya sanadkaan gudihiisa.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la muujiyo doorka Haweenka Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadanaya ka qeyb galka Siyaasada Dalka.

Maalmihii dambe waxaa magaalooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacaayay kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanaayeen Haweenka Soomaaliyeed, waxaana kulamadaasi Dowlada Soomaaliya loogu baaqay iney cadeyso ka qeyb galka Siyaasada ee Haweenka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-