DHAGEYSO WAR DEG DEG:- Labo Markab oo ku xirnaa Dekada Muqdisho oo isku dhacay

0

Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa isku dhacay Labo Markab oo ku Xirnaa Dekedd,kadib markii Biyaha badda oo Kacay Awgeed ay isku dhaceen Maraakiibta kuwaas oo Xargaha goostay.

Wararka ayaa sheegaya in Maanta Baddu ay Kacday,waxaana ay Saameyn ku yeelatay Shaqadda Dakedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah Shaqaalaha Dekedda ayaa KNN u sheegay in Labo kamid ah Maraakiibtii oo halkaa ku xirnaa ay isku dhaceen markii ay Xarguhu u go’een,iyadoo aysan jirin Khasaare Nafeed iyo Mid Hantiyadeed oo ka dhashay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gudaha Dekedda ay soo galeen Biyihii Badda ka soo burqanayay.

Xaaladda Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa hadda Caadi ku soo laabatay,iyadoo Jawi daganaasho ay ka muuqato hadda Dekedda.

HALKAAN KA DHAGEYSO