Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Masar ciidamada ammaanka dalka Masar, ayaa shalay Magaalada Alexandria ku xiray Boqolaal ruux oo qorsheynaayay inay dalkaasi ka tahriibaan.
Ciidamada ayaa howlgalo ay ka sameeyeen Xeebaha dalka Masar ku soo qabtay dad isku diyaarinaayay inay tahriibaan, sida ay sheegeen qaar ka tirsan Warbaahinta dalka Masar.
Wararka waxa ay sheegayaan dadka la soo qabtay 50 ka mid ah inay yihiin Somali, kuwaasi oo ku jiray dadka doonaayay inay tahriibaan.
Tirada dadka kale ee la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Eretria, EthiopiA, Sudan iyo Syria, waxaana dhamaantood la dhigay Xabsiga.
Ciidamada ammaanka Masar ayaa la sheegay inay laba jibaareen howlgalada ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Tahriibka ah, wixii ka dambeeyay markii ay degtay Doontii ay la socdeen dadkii gaarayay 500 ruux ee badda ku degtay.
Dadka doonaya inay tahriibaan ayaanan ku quus qaadan dhacdooyinka halista ah ee badda ka dhacaya, waxaase u cad inay mar un gaaraan dalalka Yurub oo ay helaan nolol ka wanaagsan midda hada ay ku jiraan.
Caalamka ayaa si weyn uga naxay dadka Tahriibka ah ee Badda ku dhintay, iyadoo Madaxweynaha dalka Talyaaniga uu ku tilmaamay Musiibo Qaran.