WAR DEG DEG:Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay Muqdisho ku lahaayeen oo buuq ku soo dhamaaday

0

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay ku lahaayeen Xarunta Golaha shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo dhamaaday Buuq, kadib markii Xildhibaanada qaar ay ku doodeen in Ajandaha laga saaro Mooshin laga keenay Shirka Jowhar.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo Ansixinta Ajandaha Baarlamaanka oo ka koobnaa Mooshinka laga keenay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe, sharciga argagixisada, iyo sharciga axsaabta.

Markii uu hadalkaasi dhahay Guddoonka ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxa ay ka istaageen Kuraasta waxaana Guddoomiye ku xigeenka ay u sheegeen in Ajandaha laga saaro Mooshinka Shirka Jowhar laga soo gudbiyay.

Xildhibaano kale oo ka mid ah kuwii Mooshinka keenay ayaa dhankooda istaagay oo sheegay inaan Ajandaha laga saareyn Mooshinka, maadaama uu yahay mid sharci ah oo Xildhibaano ay keeneen.

Arintaasi ayaa waxa ay dhalisay Buuq iyo Sawaxan ka dhex dhasha Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo suuragal ay noqon weyday in kulanka Baarlamaanka uu furmo.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka ayaa Fadhiga soo xiray, maadaama la xakameyn waayay Xildhibaanada Buuqa sameeyay.