Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Dhalinyarada Soomaaliyed ee ku dhintay Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay Geerida Naxdinta leh ee ku Timid Dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonayay in ay Yurub u raadsadaan Nolol ka fiican mida Soomaaliya ka jirta.
Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in looga gudbi karo Tahriibka Shaqo Abuur loo sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana Dalkooda la jecleysiiyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa intaa ku daray in Soomaaliya Sanad kasta ku dhimanaya Badda u dhexeysa Yurub iyo Afrika loo baahan yahay in la badbaadiyo islamarkaana la keeno Qoshe lagu joojinayo.
Waa Mas’uulkii ugu horeeyay oo ka mid ah Hogaamiyaasha Soomaaliya oo ka hadla Musiibada ka dhacday Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar.