Mudanayaasha baarlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa manta ka doodaya mooshin dhawaan laga soo gudbiyay shirka maamulka loogu sameynaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Kulanka ayaa la filayaa in xildhibaanada baarlamaanku ay kaga doodaan dhinacyadaasi, iyadoo la filayo in ay soo bandhigaan talooyin kala duwan oo sharciyadaasi la xiriira.
Sidoo kale xilidhibaanada ayaa la filaya in ay ka doodaan Sharciyada argagixisada.
Dhawaan ayaa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin u gudbiyay gudoonka sare ee baarlamaanka kasoo ku aadan in la hakiyo maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.