DAAWO QISO MURUGO:- Hooyo Somaliyeed oo ka naxday wiilkeedii oo qirtay Daacishnimo

0

Hooyo Ayaan Maxamed Faarax, ayaa waxay ka naxday wiil ay dhashay oo Maxkamad ku taala Gobolka Minnesota ka hor qirtay inuu taageeray Ururka Daacish, ee ka dagaalama Wadamada Suuriya & Ciraaq.

Cadnaan C/xamiid Faarax, ayaa wuxuu Khamiistii Maxkamadda uu ka hor qirtay inuu taageeray Ururka Daacish. Cadnaan iyo Maxamed C/xamiid Faarax oo laba wiil oo walaalo ah, isla-markaana ay dhashay hooyo Ayaan Maxamed Faarax, ayaa billo ka hor loo xiray Daacishnimo, inkastoo aanu Maxamed wax qiraal ihi samayn.

Hooyadan Somaliyeed oo Khamiistii xaadirtay dhageysiga dacwadda loo haysto wiilkeeda, ayaa ku dhex dhacday Maxkamadda, ka gadaal markii Garyaqaankii Maxkamadda uu soo galay Xarunta Maxkamadda.

Hooyo Ayaan Maxamed, ayaa waxay si adag u sheegtay in wiilkeeda Cadnaan lagu khasbay inuu qiraalkaasi ku dhawaaqo, iyadoona dhaliishay qareenkii difaacay wiilkeeda, oo sida ay sheegtay ka qayb qaatay in qiraalkaasi uu sameeyo.

Hooyo Ayaan oo wareysi siisay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxay Dowladda Mareykanka ku eedeysay inay Cadnaan ugu cago jugleysay in xabsi daa’in uu wejihi doono, haddii aanu qiran in Daacish uu taageeray, isagoo baqanaayana uu door biday in xabsi 15 sano ihi uu galo, si uu kaga badbaado xabsi daa’in.

Waxay sheegtay in dhalinta Somaliyeed ay maanta meel kasta oo dunida ihi ku dhibaataysan yihiin, iyadoo Alle uga barisay in dhibaatada uu ka dulqaado.

Xabsiyada dalka Mareykanka, ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro fara-badan oo Somaliyeed, oo eedeymo kala duwan loo haysto, waxaase mooddaa in muddooyinkii ugu dambeysay ay soo badanayeen kuwooda loo haysto arrimaha la xiriira argagaxisada.

HALKAAN KA DAAWO