Iyada oo Shalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ay guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Shirka ka socda Magaalada Jowhar ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow o ka mid ah Xildhibaannada Federaalka waxaa uu sheegay in Shirka Jowhar uu soconayo islamarkaana uusan u joogsaneyn Mooshin ay gudbiyeen Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka.
Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in uusan jirin Maamul Goboleed si nabad ah ku dhismay islamarkaana mid kasta uu is qab qabsi ka jiray lana dhisay maamulladaasi,sidaa darteedna maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe lagu dhisayo Jowhar.
Daahir Jeesoow waxaa uu Xildhibaannada ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ugu baaqay in ay si guuni ah isu arkaan Xildhibaannada ka soo jeeda labada Gobol,islamarkaana Shirkaasi laga wada hadlo haddii la sii wadayo ama la joojinayo.
Waxaa uu sheegay in Shirka Magaalada Jowhar uu soconayo Wajigiisa labaad islamarkaana uu yahay mid sii socon doona ilaa laga dhiso maamul ay ku mideysan yihiin Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Hoos ka Dhageyso Codka:-