DAAWO DOOD KULUL:- Maxaa kala qabsaday Wasiir Cadaani iyo Wariye C/nuur Xaaji?..

0

Waxay ka dhex tafatay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) iyo Wariye C/nuur Xaaji Maxamed Siraad, Barnaamijkii Doodda Jimcaha Ee Jimcihii ka baxay laanta afka Somaliga ee BBC.

Ismaan-dhaafka waxaa ka dhex dhaliyay dhageyste magaciisa ku sheegay Uumi oo ka soo hadlaayay Gobolka Galgaduud, ka dib markii uu Wasiirka weydiiyay in Somaliland ka mid tahay Maamul Goboleedyada Somaliya ka jira iyo in kale.

Wasiirka, ayaa wuxuu ka gil gishay inay Somaliland tahay qayb ka midda Somaliya, wuxuuna ku celceliyay in Somaliland tahay dal ka madax bannaan Somaliya.

Wasiirka waxaa uu ku eedeeyay Wariye C/nuur inaanu dhex dhexaad ka ahayn Barnaamijka Waxay Ila Tahay, oo galab kasta oo Jimca ah ka baxa BBC.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-